21 Sept 2026, 17:52 UTC371 views5 reactionsread 22 September 2026 mararka qaar waad igu caajisi doontaa, mararka qaar waad igu daali doontaa, mararka qaar waad caroon doontaa, mararka qaar waad wareeri doontaa, wey kugu adkaan dooontaa inaad jadwaladeyda la qabsato. Waxaan jeclahay isbadalka, kor ahaanshaha, waxyaabaha saafiga ah, qeexitaanada cadcad, hagaagsanaanta. Ima xiiso geliyaan waxyaabaha liita, ku daahidda hurdada oo aan sabab lahayn, kala daadsanaanta, waxyaabaha aan qors…
❤5
Signed Abdulkadir Uukow
21 Sept 2026, 16:52 UTC359 views6 reactionsread 22 September 2026 Kaligay ayaan fadhistay, xasuusihii hore ayaa marba mid qalbigayga kusoo dhacaya. Qaar ka mid ah xasuusahaas waxay qalbigayga ku shitaan iftiin, waxayna i xusuusiyaan waqtiyo aan si dhab ah u farxay, qosol aan qalbi ka imaanayay iyo daqiiqado aan jeclaan lahaa in waqtigu dib ii siiyo.
Laakiin mararka qaar isla xasuustii farxadda ahayd ayaa murugo ii beddelata. Waxaan garwaaqsadaa in waxa maanta qalbigayga iftiiminay…
❤6
Signed Abdulkadir Uukow
21 Sept 2026, 16:22 UTC384 views5 reactionsread 22 September 2026 Caawa ma doonayo inaan wax badan hadlo, sababtoo ah mararka qaar aamusnaantu waxay sheegtaa wax ka badan hadal dheer.
Waxaan bartay in qof walba uusan mudnayn in qalbigaaga oo dhan loo sharxo, qof walbana uusan fahmi karin waxa gudahaaga ka socda. Mararka qaar waxaad dadka u sheegtaa waxa ku dhaawacay, balse waxay maqlaan oo keliya erayada; ma dareemaan xanuunka ka dambeeya.
Sidaas darteed caawa waxaan doortay inaan…
❤5
Signed Abdulkadir Uukow
20 Sept 2026, 07:56 UTC693 views8 reactionsread 22 September 2026 Ogaal-nafeedku waa awoodda qofku u leeyahay inuu si qoto dheer u fahmo naftiisa, dareenkiisa, fikirkiisa, qiyamkiisa, meelaha uu ku wanaagsan yahay iyo meelaha uu ku liito. Waa tallaabada ugu horreysa ee qofku qaado marka uu doonayo inuu noloshiisa horumariyo, maadaama qof aan naftiisa aqoon u lahayn ay ku adkaan karto inuu fahmo caadooyinkiisa, xiriirradiisa iyo waxa dhab ahaan saameeya go'aannadiisa.
Ogaal-nafeedk…
❤5👍3
Signed Abdulkadir Uukow
19 Sept 2026, 17:36 UTC749 views5 reactionsread 22 September 2026 Dulqaadka, samirka, tanaasulka iyo naxariistu waa astaamaha ugu quruxda badan ee lagu garto qofka bani’aadamka ah. Noloshu mar walba ma aha mid sahlan, waxaana jira maalmo qalbiga dhaawaca, maskaxda daaliya, iyo duruufo qofka ku riixa inuu quusto. Laakiin qofka samirka leh wuxuu garanayaa in dhib kasta uu leeyahay dhammaad, habeen kasta oo madoowna uu leeyahay waaberi ifaya.
Dulqaadku waa awoodda qofka ka caawisa in…
👍5
Signed Abdulkadir Uukow
19 Sept 2026, 10:04 UTC728 views13 reactionsread 22 September 2026 Waxaan jeclahay sida aad ii fahanto xitaa marka aanan hadlin, sida aad u dareento murugadeyda ka hor inta aanan kuu sheegin, iyo sida aad mar walba qalbigayga uga dhigto meel ay farxaddu ku noolaato Waxaad tahay riyada aan mar walba ku hammin jiray, ducadii qalbigayga kaso go'day ee Alle uu ii rumeeyay iyo qofka aan jeclaan lahaa inuu ila joogo maanta, berri iyo inta noloshaydu jirtaba.
Haddii la i waydiiyo waxa ugu…
❤13
Signed Abdulkadir Uukow
19 Sept 2026, 06:47 UTC743 views7 reactionsread 22 September 2026 Aqyaarta magaalada ku dhashow, horta ma aragteen walli ubax intoo baxay aadna u dhalaalay, casaan iyo caaddaan intaba leh, xareeddana ay meel halkaas ah jiifto?
Mise hoonka gaadiidka iyo guuxa diyaaradaha uun baad maqashaan?
Sideed qofkaad jeceshihiin u tillmaantaan?
Kaliya atariishooyinka aad meelaha ka daawataan baad la meel dhigtaan hableheenna bilicdooda loo waayay inan maanta dunida joogta oo la tartanta!
…
❤6👍1
Signed Abdulkadir Uukow
16 Sept 2026, 18:10 UTC≈1,290 views18 reactionsread 22 September 2026 Dadka qaar si kale ayay u dhahaan “waan ku jeclahay”:
Markaad xanaaqdo, ha iga fogaan
Waxaan rabaa inaan ogaado inaad fiican tahay
Haddii aad aamusto, waan ku dareemaa
Ha isku qarin marka aad murugaysan tahay
Waxaan jeclahay inaan maqlo codkaaga ka hor inta aanan seexan
Haddii aad meel tagto, ii soo sheeg markaad gaarto
Waxaan rabaa inaan ogaado waxa maanta ku farxiyay
Haddii qof ku dhaawaco, ha keligaaga qaadan
Wax…
👏11🥰5❤2
Signed Abdulkadir Uukow
16 Sept 2026, 17:37 UTC≈1,110 views8 reactionsread 22 September 2026 Maxaad ii daba socotaa adigoo og inta aad hore ii dhaawacday? Ma dhaawac kale ayaad iga rabtaa? Maxaad ila soo hadlaysaa adigoo iska dhigaya qof weli i jecel, adigoo qalbigayga iyo niyaddayda horeba u dhaawacay? 💔
Maxaad igu sii dhibaysaa hadallada macaan ee beenta ahaa ee aad markii hore igu siraysay? Waan ogahay wixii dhacay, mana doonayo in hadalladaada mar kale igu jahawareeriyaan. Meel qalbigayga ka mid ah ayaa…
❤7👍1
Signed Abdulkadir Uukow
16 Sept 2026, 11:35 UTC≈1,150 views6 reactionsread 22 September 2026 Noloshii Hore ee Soomaalida | Xasuus, Dhaqan iyo Nolol Qurux Badan
Roobabkii baa aad u da'ay, dhulku waa wada doog; boor iyo habaas midna ma jiro. Subaxdii waxaad ku soo kacaysaa heesaha iyo laxannada quruxda badan ee shimbiruhu samaynayaan.
Murug iyo wareer ma jiro, waad soo kacaysaa waxaanad arkaysaa aabbahaa oo hortaada soo kacay, cabbayana koobkiisa qaxwada ah, raadiyuhuna dhegta u saaranyahay.
Carruurtu hur…
👍4❤2
Signed Abdulkadir Uukow
14 Sept 2026, 11:02 UTC≈1,440 views10 reactionsread 22 September 2026 Habka Ugu Fudud Ee Wax-Is-barida
Dadka badankoodu waxay aaminsan yihiin inay si madax-bannaan u maamulaan noloshooda iyo go’aamadooda maalinlaha ah. Haddana, aaladaha casriga ah, baraha bulshada, iyo dhacdooyinka inagu xeeran ayaa si aamusan u qaabeeya dareenkeenna. Rob Dial, oo ah khabiir falanqeeya hab-dhaqanka aadanaha, ayaa sheegay in haddii uusan qofku si feejigan u xulan xogta uu qaadanayo, in xaalado kale ay …
❤10
Signed Abdulkadir Uukow
13 Sept 2026, 11:12 UTC≈1,560 views15 reactionsread 22 September 2026 Gabadh Xun Ma jirto
haddii ay jirto gabar aad jeceshahay, ha ku degdegin inaad qalbigeeda wax ka dalbato. Marka hore faham, ixtiraam oo si deggan ugu dhowow.
Garab u noqo marka ay daasho, naxariis u muuji marka ay murugootana. Ha badbadin jacaylkaaga, laakiin sidoo kale ha ka fogaan. U muuji daryeel, danayn, xannaano iyo xiiso. Mararka qaar ficilkaaga ayaa ka hadal badan erayga “waan ku jeclahay.”
Waxaa laga yaaba…
❤14👏1
Signed Abdulkadir Uukow
Showing the 12 most recent of 90 posts we hold for @XikmadoSom. View and reaction counts are the latest single reading for each post, not a live figure, and a recent post is still accumulating both. A view count marked ≈ was rounded by Telegram before we ever saw it — t.me prints views in full below 1,000 and to three significant figures above, so ≈1,200,000 means somewhere between 1,150,000 and 1,249,999. Unmarked counts are exact. Text is reproduced from the public post preview and truncated for length.